Powered By Blogger

Tuesday 9 November 2010

SOMALI GALBEED: DULMIGII ITOOBIYA EE SHALAY IYO DAMACA OROMO EE KU QABSO KU QADIMAYSIDE!BY XUSEEN HABANE DIRIYE

Hordhac
Dadka Oromada iyo Soomaalidu waxa ka dhexeeya daris wanaag iyo istixgelin. Waxa labada shacbi wadaagaan diin iyo dhaqan  isku ah bahwaynta kushitiiga soo taxnaa muddo dheer, marka laga reebo Oromada gobolada galbeedka iyo Galla Shawa. Labada qowmiyadood waxa kale oo waayo-arag buuxa ay u wada yihiin cadaadiskii iyo curyaamintii dhinacwalba lahayd ee ay u geysteen xukumadihii cadaalad darrada ku dhisnaa ee mudadda dheer ka talinayey dalka Itoobiya.
Menelik II oo aanan qarsan rabitaankiisii ahaa in uu qayb libaax ka helo boobkii reer Yurub ee qaaradda Afrika, wuxuu cagta mariyey ummado badan oo ay Soomalidu ka mid tahay. Menelik waxa uu gacan buuxda uga helay qorshahiisii dulmiga ku dhisnaa gumeystayaashii reer Yurub, waana arrinta u suurto gelisay in uu gumeeyo ummadihii ku noolaa dhulka maanta loo yaqaano Itoobiya. Magacaas oo sidaa maanta ku hirgalay.
Boqor Xayle Selaase oo isaguna boobay kursiga boqotooyadii Itoobiya wuxuu dhamaystiray riyadii Menelik II ee uu ku doonayay dhul balaadhsiga iyo dulmiga ummaddaha mandaqada ku dhaqan. Xayle Selaase waxa uu ku guulaystay hanashada Eretariya, qaybo kale oo ka mid ah dhulka Somalida, Canfarta, Oromada iyo kuwo kale.
  Xannuunka Xilliyadii Labada Xayle
Si aad uga qaadato sawir buuxa xukuumaddii boqortooyada ee Xayle iyo cadaadiskii iyo xasuuqii ay ku haysay ummaddaha ay gumaysato, waxa kaaga filan in aad ogaato ama xasuusato dilkii waxashnimada ahaa ee uu ka sameeyey magaalada Jigjiga 1957 kii. Markaas oo uu ku daldalay 7 nin oo beesha Geri Koombe ka tirsan badhtamaha magaalada. Halkaas oo uu meydkoodu ka lushay muddo toddobaad ah faras magaalaha Jigjiga, yaaley oo weliba loo diiday ehelkoodu in ay aastaan (fiirso maqaalka Xuseen Ali Bulxan ee “The Physchology of the Partition of Somaliland , Journal of Horn of Africa, 1978).
Dhacdooyinka kale ee lama ilaawaanka ah waxa ka mid gubiddii Banka Daalaymaleh  (hadhagaalah) 1952, xasuuqii Eerer goteh (Genaral geeta)gubiddii Eeshaca ee horaantii lixdankii iyo meelo kale oo badan. o dhulka somaliyed ,Arrimahan iyo kuwo la mid ahi waxa ay ka dhacayeen isla jiidaas degaanada Oromada (sida dagaaladii jalanqo), Tigray (duuqayntii maqaleh), Cafar, Eretariya, iwm.
Ummaddihii dulmanaa waxay xoojiyeen halgankii ay ugu jireen in ay ka xoroobaan caddaadiska iyo gumeysiga boqortooyadii guunka ahayd ee Xayle, horaantii 1970 aadkii. Waxa ay dhaqdhaqaaqyadaasi isugu jireen kuwo hubeysan iyo siyaasadeed oo ay door laxaadle ka qaateen ardayda dugsiyada sare iyo kuwa Jaamacaha ee reer Itoobiya.
Kacdoonadani waxay gilgileen jirridihii xukuumadii duugga ahayd, nasiibdarrose waxa guushii shucuubta dulman afka u dhigtay koox askar ah oo uu hormood ka ahaa gacan-ku-dhiigle colonel Mengistu Xayle Maryam. Askartu ma ay laalin kaliya himiladii iyo hagankii dheeraa ee shucuubtii loolanka adag soo gashay, balse waxay ku talaabsatay in dalka ay ku dhaqaan nidaam ku dhisan argagixisnimo (red terror). Waxa ay iska indho tireen su'aashii saldhiga u ahayd hagankii dadweynaha oo ahayd: Aaya-ka-tashiga qaramada iyo qawmiyadaha xoogga lagu haystay.
Mengistu iyo kooxdiisii codsigii xaqa aaya ka talinta ee qawmiyadihii la caddaadin jiray waxay kaga jawaabeen dagaal iyo xasuuqid ka sii daran tii lagu yaqaanay boqoradii ka horeeyey, wuxuuna fadhiistay qasrigii Xayle, iyadoo lagu naaneysay Boqorkii casaa (Red Emperor).
Itoobiyada Cusub
Sida ku cad taariikhda halganka xaqa ah waxaa hubaal ah in caddaadis iyo cubudhin aan lagu damin karayn dhaqdhaqaaqyada xaq-u-dirirka ah ee sii xoogeystay iyadoo ay horseed u ahaayeen jabhadihii Eretariya (EPLF), Tigray (TLF), Somalida (WSLF), Oromada (OLF) iyo kuwa kale. Waxaan muran ku jirin in loo dhammaa dagaalkii lagu jabiyey dhagar-qabe Mengistu iyo kooxdiisii halkaana ay ka soo muuqatay rajo cusub. Itoobiyada cusub waxaa hogaanka u qabtay isbaheysiga loo yaqaan EPRDF sannadkii 1992. Kuwaas oo ugu baaqay qaramada iyo qawmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan Itoobiya in ay ka soo qayb galaan shirweynihii lagu jeexayey Cahdi-Qarameedkii Koowaad ee lagu dhisay Jumhuuriyada Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.
Waxay ahayd arrin taariikhda gashay in markii ugu horeysay wax laga weydiiyo ugu yaraan siyaasiyiin ka tirsan dadyowgii dulmanaa oo ay Somalidu ka midka ahayd talada dhulkooda, iyadoo dastuurka Itoobiyana si cad loogu damaanad qaaday xaqa aaya katalinta shucuubta iyo ilaalinta xuquuda dawladnimo iyo dhul ee ummad kasta leedahay.
Haddaba tan iyo intii uu isbedelku ka dhacay dalka Itoobiya waxaa soo shaac baxay damac dhul ballaaadhsi oo qawmiyadaha qaarkood kula kaceen kuwii la deriska ahaa. Dhul ballaadhsiga Oromada ee ku wajahan dhinaca Ismaamulka Soomaalida ayaa tusaale cad inooga noqon kara arintaas aan kor ku soo sheegnay Si aan haddaba wax badan uga ogaano damaca Oromada ayaa waxaa haboon inaan si gaara uga hadalno qodobada soo socda:-
.

1_Magaalada Diridhabe

Diridhabe waa magaalo magaceedu yahay Qaddiim waxayna kamid ahayd magaalooyinkii ugu horeeyey ee la dagay qarnigii 18 dhamaadkiis waxayna taariikhda gobolka geska afrika  ka soo kasha  meel muhiim ah.
waxay ka mid tahay meeli ilbaxnimo kasoo kashay delka itoobiya waan magaalooyinka aasaasmay markii la dhisayey khadka tareenka ee xidhiidhiya Jabuuti iyo Addis Ababa magaaladu waxay ku taal meel malko ah oo aad ugu dhaw Jabuuti oo ka xigta dhinaca woqooyibari.unau jirtaa ( 317km)Dhinaca bari waxa kaga toosan magaalada barbera oy labad magaloba  ay yihiin marsooyin calamiyah qiyas iskumidana u jiran waadna darim kartaa daal bilaa xeeb ah ahmiyad aay u ku fadhidoo magalad noocasi ,sidaa awgeed itoobiya waxaay u argtaa  maslaxada wadankeed iyo danaha mustaqbalka ee shucubata itoobiya o dhan  
waxa ay noqotay diridhabe meel ay ku kulmaan safarrada ka kala yimaadda jabuuti barbera , Saylac iyo AdisAba intaa waxa u dheeraa tareenka oo habeen iyo maalinba isweydaaranaya.iyo gawadhida isjidaka ee dabuulaysa ganacsiga jabuuti iyo itoobiya ka dhaxeeya Intaas oo
dhan baa waxaay Diridhabe  ka dhigtay casimad ganacsiga Itoobiya iyo casimad labad ee dalwaynha itoobiya.
Diridhabe waxay ku fadhida dhul baxadisuu laegyahay 128802km2

waxaan ku nool daad gadhaya 500.000 qof tiragoobki uu danbeyay 
 ayaa 68% waxaa ay degenyihiin Magaaalo halka 32% ay degenyihiin miyiga , magaalada ayaa waxaa hoos yimaada 9 degmo oo Magaalada ah iyo 38 tuulo oo miyiga ah dadka ku dhaqan miyiga ayaa waxaa ay  yihiin Soomaali dhamaanto sidaa awged ayaa loku suntay magaca labada beelod ee soomaaliyed (degaanka ciisaha iyo gurguuraha) waana daadka deegaanka
Maxaa Oromadu u rabtaa magalad Diridhabe?
Waxaan cidna ka qarsoonayn in si isdaba joog ah dhulka Soomaalida loogu wareejinayey qawmiyada Oromada. Arrintan oo ah shirqool halis ah ayaa abuuri karta iska horimaad dhexmara shucuubta walaalaha ah ee nabadda ku wada noolaa qarniyada. Arrintan waxa la odhan karaa waxaa ka dambeeya kooxaha Oromada ee degaanada galbeedka Itoobiya iyo kuwa  (Gala Showa).
Kooxahan oo dhaqan ahaan iyo degaanba aan waxba la wadaagin Soomaalida ayaa raba in ay ka faa'iideystaan fursad uga muuqata deegaanka Soomaalida. Taas oo la mid ah tii uu Menilik haystay dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad ee uu ku boobay dhulalkii qawmiyadaha kale!. Si loo hirgeliyo mashruucan boobka qaawan ku dhisan ayaa waxaa la adeegsanayaa xeelado kale duwan sida afti ku sheeg been ah iyo wax la mid ah.
damac qaawan eeOromadu u rabtaa magalad Diridhabe waxaan ku soo ururin qodobadaad soo socda 
istratijiyad diridhabe

 a. waxay tahay magalada  isku xidha itoobiyda bilaa baada iyo wadamaa jarka ah ee baad leh
 
 b. waxay ledahay dhabadaa xadiidka ah ee isku xidha jabuuti iyo AdisAbaba

 c. waxay ledahay dariqa isfaltiga(laamika ah) ee isku xidha Jabuuti  iyo AdisAbaba

 d. Magaaladu waxay leedahay Airport Caalami ah ( Dire dawa international Airprt oo habeen iyo maalinba shaqeeya.


 e.
Diri dhaba waa magaalo Ganacsi oo u isku xidha ganacsga Jaabuuti iyo Ethiopia , sidaan soo shegay horayba  waxaa kale oo Magaaladu ay leedahay saylad weyn oo xoolaha lagu kala iibsado.
Magaalada ayaa waxaa ku yaala 145 hoteel oo yar yar ah iyo 6 hoteel oo ah kuwa waaweyn oo ay ka mid yihiin Samrat Hotel, Selam Hotel, Karamardha Hotel iyo kuwa kale. 



 DHANKA WARSHADAHA 


 
Magaalaada waxaa ku yaala Warshado fara badan oo qaarna ay iminka shaqeeyaan halka kuwa kalana ay dhismihii ku socoto.
Kuwa hadda shaqeeya waxaa ka mid ah:

4 Warshadood oo sibidhka ah iyo iyo 6 warshadood oo baastada sameeya iyo 2 Warshadood oo biyaha Nadiifta ah soo saara. Iyo 6 warshadood oo samaysa Daqiiqa.


DHANKA WAXBARASHADA


Magaaladu waxay leedahay hal Jaamacad ( Dire dawa university ) iyo 199 Dugsi hoose Dhexe ah iyo 15 Dugsiyo Sare ah dugsiyadaa sare 8 kamid ah waxaa Maamula Dowladda halka 7 ka mid ah ay yihiin private.



DHINACA CAAFIMAADKA.
 

Magaaladu waxay leedahay hal isbitaal oo Dowladda ay maamusho iyo 3 isbitaal oo privete ah iyadoo tuulooyinka hoos yimaada ee 38da tuula mid kasta ay leedahay Xarun caafimaad oo u gooni ah, waxaa kale oo jira Isbitaal weyn oo hadda dhismihiisa gacanta lagu hayo oo ay ku baxayso lacag fara badan.

2. Ma Somalida ayaa Oromo gumeysan jirtay oo dhul horey uga qabsatay oo ay maanta Oromo soo dhacsaneysaa?

Wax xaqiijinaya in Somaalidu qabsatay dhul Oromo leedahay majiro. Xataa maamuladii caddaadiska ku dhisnaa ee Itoobiya ka talin jiray waxay ummad walba ku xukumi jireen dhulkeeda. Waxaana jiray aqoonsi dhulka qawmiyad kastaa leedahay, mase huwaneyn awood siyaasadeed oo intaas dhaafsiisan.
Waxaad taas ka garan kartaa habkii maamulku u dhisnaa ee14ka waaxood. Waaxda Hararghe oo Dir Dhabe ku jirto marna lama hayo iyada oo muran gashay. Dir Dhabe waa dhul qawmiyadda Somalidu leedahay. Way jirtaa oo lama diidii karo in dadyar oo isir ahaan Oromo loo nisbeeyo meelaha qaarkood ka degan yihiin, hase yeeshee taasi kama duwana Soomalida tirada badan ee ku dhex jirta deegaanka Oromada.
Kooxaha saldhiga u ah qorshahan qaawani waxay kale yihiin OPDO oo xulufo la ah xukuumadda EPRDF, si xunna u adeegsanaysa awoodda siyaasadeed ee ay ka heshay maamulka federaaliga ah ee dalka Itoobiya. Kooxda labaad waa OLF oo ay isku ujeedo yihiin balse xeeladaha ay isku maandhaafsan yihiin. Dad badan baa aaminsan in ay yihiinba hal jabhad oo siyaasad isku qaybisay si markaas ay u helaan xogta gudaha. Waxa kale oo lagu tilmaami karaa laba garab oo ah mid hubeysan (OLF) iyo mid siyaasadeed (OPDO) ujeedooduna tahay in Oromo muquuniso ummaddaha kale (Oromo dominance over others). Maangaabyada aragtidan ku dheggani waa in ay bartaan taariikhda siyaasadeed ee Mandaqada Itoobiya, si ay uga waantoobaan damacoogan waalida ku dhisan.
3. Dhulka iyo dadka Somalida Itoobiya mayaanay haysan damaanad qaabka dastuurka federaliga ah?
Ummadda Somalidu iyada oo ka mid ah Golaha Federaaliga ee Itoobiya waxay weli qabaan in Jaartarka iyo Dastuurka dalku ay si buuxda u ballan qaadeen ilaalinta dhulkooda iyo xuquuqdooda dawladnimo labadaba. Cahdigan dastuuriga ahi waxa uu ka hor imanayaa ficilada dhacaya ee horey loogu boobay dhulka Somalida, sida Dir Dhabe, iyo meelo kale, maantana 390 degmo oo hor leh (kebles) lagu maagan yahay in Oromo loogu gacan geliyo.
Dadka u dhashay degaankani meel ay joogaanba waxa ay isha ku hayaan talaabada ay qaaddo xukuumada Ra'iisal Wasaare Meles Zanawi . Taa oo ah in ay difaacdo dastuurka dalka u yaal ee lagu aaminay, xakameysona damaca cad ee Oromada. Haddii arrintaa ay indhaha ka qarsato iyada oo dano siyaasadeed oo gaaban xeerineysa waxa halkaas ku lumi doona mar kale himiladii ummaddaha la cadaadin jirey ee Itoobiya, gaar ahaan qawmiyada Soomaalida ee Itoobiya. Waxa kale oo arrintan ka dhalan kara xasilooni darro siyaasadeed oo abuuri karta iska hormaaad, siina murgin karta dhibaatooyinka dabiiciga ah ee dalkan ka jirey muddada dheer.
Dawlada dhexe waxa xil dastuuri ahi ka saaran yahay ilaalinta xuquuqda xuduudda dhul ee Ismaamulka Somalida, haddii kale waxa daaqada laga tuuray dastuurkii salka u ahaa Itoobiyada cusub.
4. Ma dawlad la'aanta Ismaamulka Soomaalida iyo kala daadsanaantooda ayaa door ku leh?
Waxaan shaki ku jirin in Ismaamulka Somalida ee Itoobiya aanu marna noqon taabagal ama qaangaadh. Kaas oo yeesha awood siyaasadeed oo uu isku taagi karo kuna matelo shacabka Somalida oo ku sugan dib-u-dhac bulsheed ee ay ka dhaxleen xukuumadihii hore. Sababaha curyaamiyey Ismaamulka waxaan ku soo koobi karnaa laba:
a) Dhaqanka shacbiga Somalida cudurka ku jira ee qabiilka ah ee lidka ku ah horukaca bulshada. Kaas oo wiiqay in ummaddani hesho hogaan aqoon iyo aragti qawmiyadnimo ku dhisan oo loolan siyaasadeed la gali kara qawmiyadaha kale waqtigan kala guurka ee Itoobiya maanta ku jirto.
b) Faragelin dhinaca dawladda federaaliga kaga timaada si toos ah ama si dadban oo culays aan gar ahayn had iyo goor saarta hogaanka xukuumadda ismaamulka.
Gunaanad:
Faragelintani waxay ka turjumeysaa daciifnimada dawladda Ismaamulka iyo labada Baarlamaan ee heer qawmiyadeed iyo mid feredaraalba oo ka gaabiyey xilkii loo doortay. Kaas oo ah difaaca dalkooda iyo dadkooda, iyada oo sharcigu u siiyey awood siyaasadeed oo ay ku diidi karaan wixii dulmi ah ee kaga yimaada dawladda dhexe ama qawmiyadaha kaleba.
Xaaladdani waxay keentay in si badheedh ah dhulkii ay masuulka ka ahaayeen maalinba qeyb Oromo u goosato. Wax tallaabo siyaasadeed ama sharci ah oo ay ka qaadeen midna lama hayo. Hase yeeshee ficil darradoodu kama tarjumeyso dareenka dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan degaanka Ismaamulka. Kooxahan qayilaada iyo is dibindaabyeynta ku caanbaxay (“fiiri Maqaalkii Ismail A. Hassan “Somali Galbeed Dadkii iyo dalkii ayaanka darraa”) ma'aha kuwa u qalma hoggaanka shacbigan mudada badan cadaadiska iyo dib u dhaca ku jiray.
Afti ku sheeggii shirqoolka ahayd ee dhawaan laga qabtay dhulka Soomaalidu Kama duwana boobkii Menelik uu kula kacay qawmiyadihii kale, waana kuwa ka fog sharciga dalka u yaal. Somalidu waxay tidhaa “Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”, Sidaa daraadeed go'aan ku ansixinta boobkan ee golaha barlamaanku waxba Kama bedelayo xaqiiqada.
Ugu dambeystii shacabka Soomaali Galbeed waxaa la gudboon inay marxaladan ku wajahaan midnimo, meelna uga soo wada jeestaan cadawgooda. Waxa loo baahan yahay in ay dhinac isaga riixaan khilaaf kooda macnaradda ah ee ku dhisan qabiilka, lana xisaabtamaan kuwa hoggaanka u haya ee kaalintoodii gabay.

By: Xusen Habane Diriyeh

                                           Oslo Norway
                                          
habane44@hotmail.com

No comments:

Post a Comment