05/23/00
By Khadar Cumar -
By Khadar Cumar -
Deegaanka Soomaalida Itoobiya waa dhul wayn oo ay dagto Soomaali lagu qiyaaso 5 miliyan oo qof, islamarkaan kasoo kala jeeda deegaanno iyo beelo kala duwan. Dhanka woqooyiga gobolka Soomaalida Itoobiya wuxuu soohdin la’leeyahay gobolka Ismaamulka Canfarta iyo Jabuuti, dhanka Koonfureed wuxuu gobolka Soomaalid soohdin la’leeyahay Kenya, dhanka galbeed wuxuu gobolku soohdin la’leeyahay gobolka Oromada, dhanka barina wuxuu gobolku soohdin la’leeyahay Soomaaliya.
Waxaan ka afeefanayaa in qoraalkan aanan uga gol lahayn in beel lagu cambaaryeeyo, ama wax loogu dhimo, waxaan uga gol leeyahay baraarujin, tusaalayn iyo aqoon korarsi.
Gobolka Soomaalida Itoobiya oo ay kudhantahay bulshada Soomaaliyeed, waxay u arkaan dadka qaarkood in hal beel ay ugu badantahay, tahayna aqlabiyo sare marka la eego tirada dadka daga deegaanka. Beesha ay dadku u arkaan inay tahay dadka ugu badan deegaanka ayaa ah beesha Ogaadeen. Arintan waxaa rumaysan dadka kasoo jeeda iyo dad kale oo aan beeshan kasoo jeedinba. Tusaale ahaan, madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa mar uu kahadlyaya shir wayne uu dalka maraykanka kulalahaa jaaliyadda Soomaalida Itoobiya sheegay in beesha Ogaadeen aytahay beesha ugu badan deegaanka. Xili kala duwan oo badan ayaan iyadana arkay dad ku doodaya beesha Ogaadeen ayaa ugu badan deegaanka.
Muran kumajiro in beesha Ogaadeen tahay beel wayn, beel muhiim ah, daganna deegaanka ugu balaadhan ee dhulka Soomaalida Itoobiya, hasayeeshaa waxaan sugnayn inay beeshu tiro ahaan ugu badantahay deegaanka. Kolka lagahadlayo badani waxa la tiranayo ma’aha dhulka iyo xoolaha nool midkoodna, ee waa dadka. Waxaa dhici karta in dad yari ay dagaan dhul balaadhan ama wayn, dad badanina ay dagaan dhul baaxad ahaan yar. Tusaale, dalka Jabaan waa dal aad uyar, waxaana kunool 126 milyan oo qof, Suudaan oo ah dalka 9 aad ee aduunka ugu wayn baaxad ahaan, waxaa kunool 43 milyan. Arintani waxay ina tusinaysaa in tirada dadku aynan ku xidhnayn in dadku ay dagaan dhul wayn iyo dhulyar toona. Sidaa darteed waxaa suurtogal ah in hadii tiro koob dhab ah lasameeyo ay beesha Ciise ee dagta Gobolka Shiniile iyo magaalada Diridhaba ay ka badato beesha Ogaadeen, ama beesha Garre ee dagta Gobolka Liibaan ay ka badato.
Hadii aan usoo laabto, gobollada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee 9 ka ah, waxaa lasheegaa in gobollada ugu dadka badan ay yihiin gobollada: Jigjiga, Shiniile, Afdheer, Liibaan iyo Godey. Gobollada Jigjiga iyo Shiniile dhulku ma banaana oo ma’aha dhul cidla ah ee dad baa kabuuxa, gobollada Liibaan iyo Afdheera waa sidaas oo kale ayay ka ag dhawyihiin. Gobolka Godey ayaa isaguna ah gobollada dadka badan. Sababta ay gobolladani u dad bateen ayaa ah kubadnaansha ay ku badanyihiin gobolladan dadka beeraha qodota, marka la barbar dhigo gobollada intooda kale, inkasta oo dhamaan gobollada Soomaalidu ay leeyihiin reer guuraa badan. Waxaa kale oo xusid mudan in aynan cidna tirakood kusalaysan beesha ugu yar iyo tan ugu badan aynan samaynin, sidaa darteed aanan la ogaan karin beesha badan iyo beesha yar.
Intaan ka qaano deegaanka soomaalida, iyo baadhi taan aan kusameeyay deegaanka, waxaan ku ogaaday gobollada ugu dadka yar, waxaa kamid ah Qoraxeey, Fiiq iyo Dhagaxbuur oo intuba lagu tiriyo inay yihiin gobollada ay beesha Ogaadeen si xoog leh udagantahay. Gobolladan iyaga ah, dadka dagan waxay ubadanyihiin xoolo dhaqato, waana dhul kuwaangsan daaqsinta xoolaha. Waxaa xusid mudan in gobolladan saddexda ah ee ay beesha Ogaadeen ku badantahay aynan kaligood dagin, ee ay beelo kale oo aan waliba yarayn ay wada dagaan. Beelaha sida xooga leh udaga saddexdan gobol waxaa kamid ah: beesha Sheekhaash oo ah labaad ee dagta gobolladan iyaga ah, ayaa dagmooyinka qaarkood ee ay labadan beelood wada dagaan la odhan karaa tiro ahaan Sheekhaash ayaa kaga badan Ogaadeenka. Ugu yaraan 11-15 dagmo ayay wadaagaan babadan beelood, ee sida aadka ah isu dhalay, isuna dhexgalay. Waxaa kale oo saddexdan gobol qaybo kamid ah dagan, beelaha kala ah: Abasguul, Wayteen, Shariif, Gaadsan iyo beelooyin kale oo yaryar. Waxaan ogaaday oo kale in saddexdan gobol waagii hore la odhan jiray dadka dagan: Aw iyo Ogaadeen. Awga ayaa waxaa hormood ka ahaa Aw Qudub, oo ah Sheekhaash iyo beelaha kale ee lagu tiriyo ama lagu tirin jiray culimada; sida Abasguul, Gaadsan, Shariif, Wayteen iyo Timocase.
Beelahan dhamaantood, magaca beesha Ogaadeen baa qarisay, dadkuna waxay uhaystaan in saddexdan gobol ee ay beesha Ogaadeen kubadantahay ay kaligood kuyihiin. Waxaan odhan karnaa beelaha aan Ogaadeenka ahayn 45% to 55% ayay kayihiin saddexdan gobol ee xarunta u ah beesha Ogaadeen. Sidaa darteed hadii beelahan aan korkusoo xusay laga saaro gobolladan, si aad ah ayay u dad yaraanayaan. Gobolka Godey, oo ay beesha Ogaadeen ay si fiican udagto, ayaa waxaa kale oo si wayn udaga, beelaha wabiyada daga ee looyaqaano Jareer iyo Duubo. Waxaa kale oo iyaguna daga qabiillo kamid ah Sheekhaash, Galimays iyo kuwo kale. Waxaa dhici karta kolka uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar uu leeyahay Ogaadeen baa ugu badan deegaanka Soomaalida Itoobiya, in uu tirsanayo beelahan tirada badan ee aanan qaylada badnayn, ee iska qunyar socodka ah, dhul sheegashadana aanan aqoonin.
Hadii aanan lasameynin tiro koob ku salaysan qabiil, hadii gobollada ay beesha Ogaadeen dagantahay ama ay kubadantahay ay yihiin kuwa ugu dadka yar, isla markaana aynan kali ku ahayn oo ay beelaha tirada badan ee aan kor kusoo suxay ay gobolladan iyaga ah Ogaadeen lawadaagaan, xagee bay katimid Ogaadeen baa ugu badan tiro ahaan gobolka Soomaalida Itoobiya?
Aaminaadda ah in Ogaadeen ugu badanyahay dhulka Soomaalida Itoobiya, waxaa keenay Afar arimood:
1. Baaxadda dhulka ay beeshu dagantahay oo wayn, haba lawadaageen beelo kale oo badan.
2. Magaca gobolka oo isticmaarkii dhulka Soomaaliyeed kala qaybinayay uu kumagacaabay magaca beesha, si uu ukala qaybiyo Soomaalida.
3. Dagmooyin sad bursi ah oo aanan kusalaysany tiro koob, una qalmin magaalooyin oo si gaar ah 1992 loogu sad buriyay beesha Ogaadeen.
4. Dagaalka dhawr iyo toban jirsaday ee ay kula jiraan dawladda Itoobiya, taas oo keentay in codka kaliya ee laga maqlo idaacadaha ay yihiin jabhadaha kasoo horjeeda dawladda, iyo fikradda ah hadii ay Soomaali kale oo tiro badan oo aanan Ogaadeen ahayn ay daganyihiin deegaanka sida jabhadda ONLF ayay dagaalami lahaayeen, sidaa darteed Soomaalida kale deegaanka dagan waa dad aad looga tiro badanyahay, oo aanan lahayn miisaan culus. Waxa udhinta ee udagaalama gobolkana waa Ogaadeen, sidaa darteed gobolka beeshaas ayaa leh dhib iyo dheefba.
Su’aasha iswaydiinta mudan waxaytahay hadii ay beeshu yartahay sideebay ku heshay dagmooyinka tirada badan? Su’aashan iyada ah mar kale ayaan ka jawabi doonaa.